DF oo qaaday tallaabo halis galin karta shaqada dekedda Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay lacago horleh ugu kordhineyso ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekedda Muqdisho.

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka nadda ay siisay qandaraas shirkad lagu magacaabo Total Cleaning Services, taasi oo qabaneysa howsha dhaqida iyo nadiifinta konteenarada kasoo dega dekedda.

Arrintan oo culeys ku ah ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho oo markii hore dhib ku qabay canshuuraha aan xadka laheyn ee laga qaadayay, oo ay qeyb ka tahay canshuuraha dhinaca faya-dhowrka iyo scan-ka dekedda.

Culeyskan ku soo kordhay dekedda Muqdisho ayaa loo arkaa inay keeni karto in ganacsatada kala soo dega shixnadaha inay u weecdaan dekedaha kale ee dalka, ayada oo maalintii shalay dekeda Boosaaso ku soo xirtay markabkii u horreeyay oo siday shixnad ganacsi oo konteenar ah.

Iyadoo horay ay u jirtay in ganacsatada koonfurta Soomaaliya alaabaha ganacsi kala soo degaan dekedda Boosaaso oo ay soo gaari jirtay illaa magaalada Jowhar.

Horey wasaaradda maaliyadda ayaa kordhisay canshuuraha kala duwan ee laga qaado ganacsatada wax kala soo dega dekeda Muqdisho, midaasi oo si weyn uga qeyliyeen ganacsatada, waana tallaabaddii labaad ee halis galin karta inay haawato dekedda Muqdisho.

Si kastaba, haddii ganacsatada ay ka guuraan dekedda Muqdisho ayaa waxaa iska cad in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya aysan heli doonin canshuurtii ay qaadi jirtay dekedda, taasi oo macnaheeda tahay in la bixin waayo lacagihii mushaarka ee dowladda.



Source link