Ku dhowaad 8 kun oo Haween oo cabasho u gudbiyay XAMZA

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, kadib markii ay waayeen xilka wasiirka haweenka oo uu maalin kahor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay General Bashiir Goobe.

Warqad cabasho ah oo ay soo saareen dhaqdhaqaaqa Sinnaanta ee Jandarka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin ku dhowaad 8 kun oo haween ah ayaa la gudbiyay ra’iisul wasaaraha, taas oo ay gabdhaha uga cabanayaan guud ahaan kuraasta ay waayeen.

Qoraalkan ayaa sidoo kale la ogeysiiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna haweenka ku ku muujiyeen in cabashooda la xiriirta magacaabistii ugu dambeysay ee wasaaradda haweenka ee loo dhiibay General Bashiir Goobe.

Haweenka Soomaaliyeed ee gudbiyay cabashadan ayaa ku dooday in markii hore xukuumadda DanQaran ay ka ahaayeen 12%, haddase ay ka yihiin 9%, waxaana waayeen labo kursi oo uu ku jiro kursigoodii gaarka ahaan wasiirka haweenka.

“Ra’iisul Wasaare, annaga oo ah Dhaqdhaqaaqa Somali Gender Equity Movement oo loo soo gaabiyo SGEM, Guddiga Golaha Sare iyo xubnahiisa oo ku dhawaad 8,000 oo haween Soomaaliyeed oo mar kasta u taagan ilaalinta xuquuda haweenka waxaan ka soo horjeednaa, cambaareyneynaa, aadna uga xunnahay jagooyinka haweenka Soomaaliyeed oo markii horeba hooseeyey in qaar badan si xawli ah rag loogu beddelayo” ayaa lagu yiri qoraalka ay direen haweenka Soonaaliyeed ee cabashada ah.

Sidoo kale waxa ay nasiib darro ku tilmeemay in rag la siiyo jagooyinka ay ku fadhiyeen gabdhaha, taas oo hoos dhigtay qoondada loo qorsheeyay haweenka.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaa nasiib darro ah in Golaha Wasiirada oo ka kooban 75 xubnood ay markii horeba 9 kaliya (12%) haween ahaayeen, maalintii shalayna ay haweenku lumiyeen hal wasiir iyo hal wasiiru dowle oo ay hadda hoos ugu dhaceen 7 (9%)” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Illaa iyo hadda jagooyinka ay ku fadhiyeen haween Soomaaliyeed oo rag la siiyey waxaa ka mid ah:-

Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasiru Dowlaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska, Xisaabiyaha Guud, Gudoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,iyo Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaarada Beeraha aheydna sii hayaha Xoghayaha Guud”.

“Ra’iisul Wasaare, waxaa kale oo jira in labo haween ah laga hor-istaagay in ay u tartamaan jagooyinka caalamiga ah ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaxwaynaha Baarlamaanka Adduunka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Waxaa kale oo ay haweenku ay si toos ah u dalbadee in xubnaha Xildhibaannada ee dowladda federaalka ay u magacaabayso Ururka Bulshada Bariga Afrika in laga siiyo 4 xubnood 9-ka Mudane, maadaama ay hoos u dhacday tiradii ay ka haysteen dowladda dederaalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa soo jeedineynaa talooyinka soo socdo: In jagooyinka haweenka laga qaaday loogu beddelo kuwo u dhigma iyo in ka badan si loo helo isku-dheelitirnaasho, cadaalad iyo dowlad loo dhanyahay. In 9-ka xildhibaan ee loo magacaabi doono Bulshada Bariga Afrika ay ugu yaraan 4 haween noqdaan.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka SGEM.



Source link