Maxay ka shaqeynayaan ciidanka Turkigu u soo dirayo Soomaaliya?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya muddo laba sano ah, si ay gacan uga gaystaan amniga, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada iyo khataraha kale, sida ay labada dal ku wada gaareen heshiis iskaashi difaac ah.

Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu sheegayaa in Turkigu uu ciidanka Soomaaliya u fidinayo tababar, kaalmo iyo talo muddo 10 sano ah, si loo xaqiijiyo amniga, deganaanshaha iyo dib u qaabaynta ciidanka qaranka.

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshinkaas oo ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya, sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda Turkiga wuxuu mooshinkaan iftiiminayaa in tan iyo 2009 ay milateriga Turkigu si firfircoon uga qayb qaadanayeem taageerada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo falalka argagixiso ee gacanka cadmeed, meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida badda Arabiya iyo gobollada u dhow-dhow.

“Hadafka ayaa la jaanqaadaya qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya ee lagu qaatay shirkii amniga ee Soomaaliya ee Turkiga uu ku martigeliyey New York 12 Diseembar 2023, waxaana looga gol leeyahay in Soomaaliya mustaqbalka dhow si buuxda u qaaddo mas’uuliyadda amnigeeda” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta Turkiga.

Cabdirashiid Xaashi oo agaasime ka soo noqday machadka Cilmibaarista ee Heritage, horena cilmi baaris ugu sameeyey arrintan ayaa sheegay in heshiiskii amniga ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga iyo isku soo dhawaanshaha labada dal ee dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey uu fursad weyn siinayo ganacsatada Turkiga iyo guud ahaan dowladda Turkiga oo Afrika ka soo geli karta Soomaaliya.

“Xiriirka labada dal markii uu billowday waxaan ahaa cilmi baare, Turkiga 2011 waan waraystay, ganacsatadooda waxay igu yiraahdeen ‘waxaan rabnaa in Soomaaliya ay noqoto halka aan Afrika ka soo galayno, maadaama aan haysano badeecad ka jaban tan Yurub, kana tayo fiican tan Shiinaha’ maadaama Soomaaliya ay xilligaas dhibaato ka jirtay, markii aan u baahannayna ay noo yimaadeen, hadana ay xerada ugu weyn ku leeyihiin Soomaaliya in ay ciidanka nala dhisaan, baddana nala waardiyeeyaan, cid uga xanaaqi karta ma jirto,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Ciidanka Turkiga ee imaanaya Soomaaliya wuxuu Cabdirashiid Xaashi oo u waramay BBC ku xiray sida ay noqon doonaan danaha istaraatijiyadeed ee Turkigu uu ka leeyahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka codsatay inay ‘in badda looga difaaco cadowga iyo qulqulatooyinka kale’ isla markaana uu horay u jiray heshiis dhaqaale oo labada dal ka dhaxeeya.

Maadaama dhanka Turkiga laga ansixiyey heshiiskii labada dal, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyey, waxaa hadda bilaabanaya dhaqan-gelintiisa, waxaana Soomaaliya ku soo wajahan maraakiib dagaal iyo kuwo baaritaan ku sameynaya shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga ayaa imaadoona dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxayna saldhigyo ka sameysa doonaan gudaha badda, beriga iyo xeebaha, sida dhulkii Iskuul Buuluusiya ee Muqdisho oo dhowaan qabuurihii ku aasnaa laga soo fagay.

Sidoo kale waxaa jira saldhigyo kale oo xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada Turkiga ay ka sameysa doonaan Hobyo, Kismaayo, Baraawe, Seylac iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo laga ilaali karo badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga waxay ka qeyb qaada doonaan dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah duqeymaha, tababarrada oo markii horaba socday iyo daboolidda baahiyaha militeri ee ciidamada Soomaaliya ay wajahayaan.



Source link