Ciidamada dowladda oo burburin ka bilaabay degmada Boondheere

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgal burburin ah.

Ciidamada ayaa cagta mariyay xarun ay horay u daganaan jirtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo lagu daadiyay halkaasi, kadibna shacabka lagu amray inay la baxaan alaabtooda, waxaana xigay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada.

Horay ayaa shacabka deganaa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha loogu wargeliyay inay ka guuraan, waxaana jirtay digniino dhowr ah oo la siiyay, balse ma qaadan waxaana saaka mar qura weerar culus ku qaaday ciidamada oo awood u adeegsanayo dadkaasi.

Ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dageyso wasaaradda arrimaha gudaha oo iyadu leh dhulkaasi.

Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka ay ku taallo xarunta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Dab-damiska oo ahayd dhul dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.

Todobaadkii hore sidoo kale waxaa la burburiyay xaafad kale oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre loo xukumay dhul ku yaalla halkaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana weli taagan xiisad ka dhalatay burburinta lagu sameeyay halkaas.



Source link