Soomaaliya oo u tartameysa kursi muhiim ah oo yaalla Midowga Afrika

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isku soo sharaxday u tartamidda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028, kadib war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso kursigaasi, isla-markaana ay qayb ka noqon doonto tartanka iyo loolanka loogu jiro jagadaasi muhiimka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in kursigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaana  ay door muuqdo  a qaadaneyso ajendaha nabadda iyo ammaanka ee guud ahaan qaaradda.Afrika, taas oo ka tarjumeysa safarkeeda dib-u-habaynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism.

Soomaaliya ayaa loolan adag la geli doono dowladaha dariska iyo kuwa Afrika ee quul dareynaya inay ku fariistaan kursiga AU PSC).

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la aasaasay sanadkii 2004, iyadoona Soomaaliya dooneyso in ay markii ugu horreyso ka mid noqoto, taas oo musharaxnimadan ka dhigeysa mid ku saleysan sinnaanta iyo ka-qaybgalka arrimaha istiraatiijiyada ah ee nabadda Afrika.

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay ku guuleysatay xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM, taas oo fursad wayn siineysa dowladda federaalka, iyada oo todobaadkan uun si weyn loogu dabaal degay guushaasi.

Soomaaliya sidoo kale waxa ay horay ugu biirtay dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC, kadib dadaallo ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *