XASAN SHEEKH ma isfuran doona oo dad ma usoo xiri doona arrinta hubka?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagay hubkii sharci darrada ahaa ee dhawaan lasoo galiyay gudaha Soomaaliya, kaas oo ganacsi ahaan loo rabay xilli ay dalka ka aloosan yihiin colaaddo qabiil.

Kiiska hubkaan oo Villa Somalia ku dul wareegsanaya ayaa xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya hoos u dhigeen farriimihii isbari-yeelida ahaa ee kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ee sida weyn loo tuhunsan yahay.

Xildhibaannada Galmudug kasoo jeeda ee baarlamaanka Soomaaliya ku jira ayaa badi hoosta ka xariiqay inuu hubkani ahaa mid ujeedadiisa aheyd mid amniga lagu dhaawaco, laguna raadiyo kuraas siyaasadeed.

Waxay xildhibaannada qaar bogaadiyeen reerka hubka gacanta ku dhigay. Laba arrimood ayey xildhibaannada hoosta ka xariiqeen;

1. Inuu hubka galay gacan aamin ah

Mudaneyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxay qaarkood sheegeen in hubkaan la rabay inay umadda isku leysay, qaarna laga iibiyo argagixisada, laakiin nasiib wanaag ay arrintaas ka hortagtay beesha degta waqooyiga gobolka Galgaduud.

Bogaadin ka sakow waxaa reerka hubka la wareegay loogu baaqay inay ka ilaaliyaan gacmihii markii hore soo iibiyay iyo argagaxisada labadaba. Tani waxay si weyn ganafka ugu dhufaneysa farriimihii dowladda ee horey ula xiriiray hubka iyo hadalkooddii ahaa maleeshiyaadka.

2. Inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku qasban yahay inuu dad isku furto

Xildhibaannada waxay sheegeen in aan arrintaan looga baxsan karin waraaqo iyo guddiyo magac u yaal ah. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo arrinta hubkaan dhib badan ka maraya ayaa loogu baaqay inay ficil la yimaadan oo ugu yaraan maxkamad la soo taago dadkii howshaan ku lugta lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmahan lasoo warinaayay inuu si weyn ugu jahwareersan yahay arrinta hubka. Mar wuxuu ka fikirayaa inuu dad usoo xiro arrintaan, marna waxay kooxdiisa qaar soo jeedinaysa in arrintaan farsamo hoose lagu xaliyo.

Laakiin culeyska caalamiga ah ee ka dhashay arrintaan ayaa laga yaaba inuu Xasan Sheekh ku qasbo inuu dad isku furto ayey leeyihiin dadka sida dhow ula socda xaaladda hubkan sharci darrada ah.

Kiiska hubkaan oo fadeexad abuuray ayey dowladda tiro dhowr jeer ah uga hadashay qaabab is-burinaya. Laakiin shacabka, dadka haya xogta hoose ee hubkaan iyo beesha caalamka midna sida muuqata weli kuma qancin farriimahaas. Maantana golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa sii xoojiyay in aan farsamooyin hoose looga baxsan karin fadeexaddan.



Source link