A/Madoobe iyo Shacbaan oo tegay guriga Sheekh Cusmaan Xiddig kadibna…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan hab-dhowraha golaha shacabka iyo xildhibaano ayaa tacsi ugu tagay ehelada iyo xerta Allaha u naxariistee marxuum Sheekh Cusmaan Xiddig.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ehelada, qoyska, xerta Sheekha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka, waxa uuna saxiixay buuga tacsida Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud.

Sidoo kale, ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare BJFS Cali Shacbaan Ibraahim ayaa isna tacsi ugu tagay qoyska AUN Sheekh Cusmaan Xiddig.

“Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa saxiixay buuga tacsida, wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekh Cusmaan Xiddig,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale guddoomiye Cali Shacbaan waxaa wehliyay wasiirka wasaaradda amniga XFS, xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xoghayaha guud.

Sheekh Cusmaan Xiddig, waxa uu muddo ka badan 40 sano ahaa daaci iyo macallin ka shaqaynayey fiidinta diinta Islaamka habeen hore ayuu ku geeriyooday Muqdisho oo shalay meydkiisa lagu aasay.

Dadka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada dunida Islaamka ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Xiddig, dadka yaqaana Sheekha ayaa ku tilmaamay inu ahaa “maktabad soconaysay.”

Sheekh Cusmaan Xiddig ayaa muddo dheer lagu yaqiinay soo saarista kutub kala duwan oo ku saabsan culuumta kala duwan ee Islaamka iyo wacyiga nololeed ee Soomaalida.

Kutubta uu qoray Sheekh Cusmaan Xiddig oo aad u badan waxaa inta badan laga helaa jaamacado ku yaalla dalalka Islaamka, gaar ahaan jaamacada Axqaaf oo ku taalla dalka Yemen, sidoo kale dalka Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada laga akhristo kutubta uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig.



Source link