Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DF

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Horjoogayaal sar sare oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa haatan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, kadib markii ay kordheen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoorjoogaha koowaad ee soo galay gacanta dowladda ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Caraaye, kaas oo uu magaciisa kale ee afgarashada uu yahay (Cabdirashiid), wuxuuna isku soo dhiibay Ururka 26aad, guutada 6aad qaybta 60 aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ee ku sugan degaanka Buula -Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose.

Cabdirshiid oo muddo 14 sano ah la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab ayaa u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa isna isa soo dhiibay horjooge kale oo lagu magacabo Khaliif Maxamed Cabdi, isla markaana kooxda looga dhex yaqaano Khalid, kaas oo 10 sano ah ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna isku dhiibay ururka 19-aad ee guutada 3-aad ciidamada Xoogga.

Labada horjooge oo wareysiga laga qaaday waxa ay u sheegeen inay ku qanci waayeen habka ay wax u waddo kooxdaan, isla markaana uu isbeddalay fakirkooda, ayna goosteen inay isaga soo baxaan kooxdaasi.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen horjoogayashan, isla markaana ay mari doonaan habraaca loo dajiyay xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay beegsiga ka dhanka ah Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay.



Source link