Senator Bob Menendez oo is casilay xilli uu wajahayo dacwad xasaasi ah

Posted on

Washington (Wararka Maanta) – Bob Menendez oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Senatka Mareykanka ayaa Talaadadi maanta gudbiyay istiqaaladiisa, kaddib marki dhawaan lagu soo oogay dacwado musuqmaasuq oo ay ku jiraan laaluush iyo inuu wakiil u ahaa dowladda Masar.

Bayaan uu soo saaray gelinki danbe ee Talaadadi ayuu Menendez oo laga soo doorto gobolka New Jersey ku yiri “Waxaan iska casili doonaa xilka xafiiskayga senetnimo ee aan ku matalayay gobolka New Jersey, waxana is casilaaddani ay dhaqan gal ku aheyd 20-ki August, 2024-ka,”.

Wuxuu intaasi ku daray in uu racfaan ka qaada doono dacwadaha lagu soo oogay, oo uu sheegay in uu racfaankiisa gaarsiin doono ilaa Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka New Jersey Phil Murphy oo isaguna Dimoqraaddi ah, ayaa lagu wadaa in uu soo magacaabo shakhsi si ku meel gaar ah u buuxin doono, kursiga uu banneeyay xildhibaan Bob Menendez.

Menendez oo ka mid ahaa mudanayaasha ugu tunka weynaa dhanka siyaasadda ee xisbiga Dimoqraadiga, ayaa tan iyo sannadki 2006-ki gobolka New Jersey ku matalayay Golaha Senetka. Wuxuu mar ahaa guddoomiyaha guddi hoosaadka awoodda badan ee arrimaha dibadda ugu qaabilsan Senetka Mareykanka.

Guddi xeer-beegti madax bannaan ayaa Menendez 16-ki bishi July ku helay danbi, kaddib dhageysi maxkamadeed oo ka dhacay degmada Manhattan ee magaalada New York.

Dacwad-oogayaasha Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay Senator Menendez iyo xaaskiisa Nadine Menendez, in ay Dowladda Masar ka aqbaleen boqollaal kun oo dollar oo kaash ah, dahab, baabuur iyo in laga bixiyo lacagaha ugu haray guri uu horay deyn ugu gatay.

Taasi baddalkeeda, ayuu Senatarka ugu baddalayay Dowladda Masar, in uu uga ololeeyo gudaha Senetka, si Masar loo siiyo malaayiin dollar oo kaalmo lacageed ah oo ay kaga xiran dowladda Mareykanka.



Source link