Wasiir Maareeye oo shaaca ka qaaday tirada xildhibaanada mucaaradka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u jawaabay xildhibaannada mucaaradka ku ah xukuumadda DanQaran ee hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo difaacay xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Maareeye ayaa sheegay in xildhibaannadaasi ay yihiin kuwa aan laga nasan, isla markaana been u sheegaya dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaano yar oo 7 illaa 8 ah oo aan nasan oo dadka kale warbaahinta wuu ka nastaa ayaa maalin kasta halkan soo istaago been bey sheegaan marka, waxay yiraahdaan hoggaanka ciidamadu hoggaan sax ah maahan, yaa ogeysiiyay?” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta ciidamada oo uu ka digay in la siyaasadeeyo, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhalan karo fal dambiyeed aad u wayn.

“Ciidamada in la borobogaando waa eray qatar ah iyo in laga hadlo oo shaki la geliyo ciidanka, hoggaankooda iyo sida ay u dalacaan, waxayna taasi lamid tahay dambiilenimo” ayuu mar kale yiri Maareeye oo sidoo kale ku jira golaha wasiirada Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhageysan oo aysan qaadan warka xildhibaannadaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliyeed ay hana qaatay, isla markaana labadii sano ee lasoo dhaafay la gaaray guullo aad waa wayn.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay haku sirmina kuwaas dalku horay ayuu u socdaa guulaha ay dowladdu gaartay labadii sano ee lasoo dhaafay waa wax aan qiyaasi karin oo bannaanka yaal yaal” ayuu mar kale yiri xildhibaan Maareeye.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dalka ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin xildhibaannada oo si weyn u dhaliilsan Xamza iyo xukuumaddiisa.



Source link