Kismaayo (Allbanaadir) – Xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta go’aan ka gaaray dalab culus oo uu u gudbiyay Axmed Madoobe.
Golaha wakiilada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay soo jeedinta madaxweynaha ee ku aadan in loo kordhiyo muddada uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada cusub.
“Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland oo maanta yeeshay kal fadhigoodii koowaad fadhigiisii 5aad oo ay soo xaadireen 61 Mudane ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweynaha Dowladda Jubbaland kaas oo ahaa in la kordhiyo mudada lagu soo dhisaayo Gollaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Jubbaland” ayaa lagu yiri war kasoo baxay baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo labo bil ah lagu kordhiyay waqtiga lagu soo dhisaayo golaha wasiiradda Jubbaland, taas oo fursad cusub oo sharci ah siineyso madaxweynaha.
Dhanka kale, ma jiro isbeddal wayn oo laga filayo magacaabista golaha wasiirada cusub, maadaama Axmed Madoobe uu horay usoo celiyay madaxdii hore, sida ku xigeennadiisa iyo xittaa xubnaha baarlamaanka oo u badan kuwii hore oo mar kale dib loo soo xulay.
Si kastaba, Jubbaland ayaa haatan ku jirto xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay khilaafka culus ee dowladda kala dhexeeyo Axmed Madoobe, kaas oo isku rogay gacan ka hadal.