Xildhibaan Maalik “Kooxda xukunka joogta hambalyo, dalka waxaad u celiseen 1991”

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta eedeyn culus kala dul-dhacay xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo dalbaday in dalka laga badbaadiyo Xasan iyo kooxdiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dalka oo dhan ay ka qarxeen dagaalo sokeeyo oo sabab ay u yihiin hubka iyo daroogada loo soo tahriibiyo Soomaaliya, isagoo talaabadaas ku eedeeyey kooxda Xasan Sheekh.

“Waxaad ogtihiin in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa xukunka qabsatay ay dowladdii Farmaajo ugu hanjabi jireen in loo noqonayo 1991-kii oo ah markii dalkaan uu dagaalada sokeeye galay, maanta waxaan leeyahay hambalyo balan-qaadkiinii waa ka dhabeyseen dalkana waad u celiseen 1991-kii,” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Xildhibaanka oo tusaale u soo qaatay beelaha uu ku metelo baarlamaanka ee ku dagaalaya deegaanka Iji ee gobolka Hiiraan oo dhaca inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Jalalaqsi, ayaa cod dheer ku sheegay in ragaan hubka ka ganacsada dalka laga badbaadiyo.

“Kismaayo ilaa Somaliland waxaa is qabsaday dagaal beeleed, war ragaan hubka iyo daroogada ka ganacsada dalka halaga qabto, waxay dalka u celiyeen xiligii mudgida ahaa ee 91-kii oo horay ay ugu hanjabi jireen, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto kooxdaan dalka haka qabsato,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdimaalik.

Wuxuu qiray oo duulaan lagu qaaday Al-Shabaab oo dhul badan laga xoreeyey intii ay kooxda Xasan Sheekh xukunka joogtay, balse wuxuu quus ka muujiyey colaada sokeeye ee dalka dib uga qaraxday, taas oo waayihii dambe u muuqatay mid laga sii gudbayo oo dalku ka soo kabsanayo.

“Ragga xukunka heysta kor iyo hoosba waan ugu sheegnay in dalka ay sidaan ka daayaan, waa diideen ee u diyaar garooba inaan dalka ka badbaadino, beelaha dagaalamaya waxaan ugu baaqeynaa cid kala celineysa ma jirtee inay ilaahey ka cabsadaan oo is nabad geliyaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla.

Xildhibaankaan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaan horay uga soo dhexmuuqan xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Xasan Sheekh, balse hadda waxay u muuqataa in kuleylku gaaray, sida uu qirayana dalka waxaa ka qarxay dagaalo sokeeye oo gobol kasta ka socda, halka dowladdu ay ku mashquulsan tahay masaalix aan la garaneyn iyo ajendayaal aan muuqan.

Hoos ka daawo



Source link