Xildhibaannada iyo wasiirada kasoo jeeda K/Galbeed oo gaaray go’aan culus + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaannada iyo wasiirada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka arrisaday caqabadda hortaagan in la magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu dalka yeelanayo, kaas oo la qorsheeyay in la siiyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qorshahan oo la filayay in xalay la dhaqangeliyo, isla markaana lasoo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ayaa dib loo dhigay, kadib abaabul iyo ka hortag ay sameeyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi oo hadda ku fadhiya xilka ras’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna diidan yihiin lasoo dhiso ra’iisul wasaare ku xigeen labaad.

Xubnaha Digil iyo Mirifle ee haatan ku shiray gudaha magaalada Muqdisho ayaa isla gartay tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu soo magacaabi waayo xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo matela Beesha Raxanweyn.

Sidoo kale waxa ay xubnahan ku doodeen inay yihiin canshuur bixiyayaal, sidoo kalena ay door wayn ku leeyihiin la dagaallanka Argagixisada iyo dhismaha dowladnimada.

Sida ay ogaatay Wararka Maanta, xilkan ayaa waxaa loo wadaa siyaasiga caanka ah ee Saalim Caliyoow Ibrow oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed, kaas oo horay ra’iisul wasaare ku xigeen uga soo noqday dowladdii KMG aheyd ee soo martay dalka.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed uga balan qaaday in kursigan uu siinayo, waxaana hadda socda balan-qaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo.

Madaxweynaha ayaa xilligaas reer Koonfur Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalka uu siinayo Koonfur Galbeed.



Source link