Hogaamiyaha Ahlu-Sunna oo ka hadlay hubkii la boobay, kuna eedeeyey…

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka hadlay hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isagoo farriin u diray dowladda federaalka.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka hadii hubkaas ay leedahay ay suurtagal tahay inay awood ku raadsato, balse hadii aysan laheyn aysan xaq u laheyn inay ku duusho dadka reer Caabudwaaq.

“Waxaa la sheegayo iyo xaqiiqada meesha ka jirta waa kala duwan yihiin, hadii ay jiraan dad inta duulay soo qaatay xoolo dowladeed waa suurtagal in dowladdu ku duusho, si xoolaheedii ay u raadsato, laakiin hub la leeyahay cid leh lama yaqaan ee dadkaasi maxay u qaateen waxaan qaada karno maaha,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Sidoo kale Macalinka ayaa ka digay fidnada ka dhalan karta hubkaas, isagoo sheegay in dadka hadii talada loogu dhiibo qof ‘jaahil ah’ aysan dhibaato ka baxayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Umadda hadii loo dhiibo qof aan masuul noqon karin, musiibo ayaa ka dhalaneysa, waa ka digeynaa arintaas, war inta musiibo aysan ka imaan arrimaha dhacaya dadka aqoonta leh talada haloogu dhiibo umada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Macalin Maxamuud.

Sidoo kale Macalinka ayaa sheegaya in hadda dadka la iska laayo iyadoo mansab la raadinayo, isagoo ka digay fidnada ka dhalan karta in umadda la laayo, iyadoo xil ama mansab kale la raadinayo.

“Dhibaatooyinka dhacaya waxay ku yimaadeen masuuliyad xumo jirta, qof aan ilaahey aqoon masuuliyadiisu waxaba tari meyso, dadkaan masuuliyadda haloogu dhiibo dadka diinta leh ee Rabbi ka cabsanaya, dadka islaamka ah waxa gaaraya inta islaam ah oo dhan ayey gaarayaan,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Macalinka oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa u muuqda inuu durayo Qoor Qoor, wuxuuna muujiyey in uusan ku qanacsaneyn hoggaamintiisa, horay Macalin Maxamuud iyo kooxdiisii Ahlu-Sunna ayaa dagaal looga saaray Dhuusamareeb, Guriceel iyo Galmudug oo dhan, balse hadda waan waan siyaasadeed ayuu Macalinku ku joogaa Dhuusamareeb.

Hoos ka daawo



Source link