DF oo caawa laga hor istaagay magacaabida R/Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo ninka loo wado

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaannadii gadoodsana ee ku sugnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu qanciyay in caawa aysan jirin wax magacaabis ra’iisul wasaare ku xigeen labaad ah, kadib markii uu arrinta soo faro-geliyey Xasan Sheekh.

Waxaa caawa fiidkii hore xafiiska Ra’iisul wasaaraha isugu tagay xildhibaannada beesha Isaaq oo ku fadhisa kursiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kuwaas oo diidan qorshaha lagu dhisayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.

Madaxweynaha ayaa balan gaar ah u sameeyey xildhibaanada iyo wasiirrada ka soo jeeda gobollada waqooyi, kuwaas oo diidanaa in la magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu siiyo reer Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada reer waqooyiga ayaa madaxweynaha ka aqabalay balanta uu u sameeyey ee kulanka ah, iyadoo loo cadeeyey in caawa aan la magacaabi doonin ra’iisul wasaare ku xigeen, lagana codsaday iney culeeska ka qaadaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha, si shirka deg degga ah ee Golaha wasiirradu u qabsoomo.

Dhinaca kale, xildhibaanada beesha loo ballan-qaaday kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ayaa hada isku aruursanaya guriga gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo doonaya in magacaabistu dhacdo oo aysan baaqan caawa.

Saalim Caliyoow Ibrow ayaa la filayay in caawa loo magacaabo xilka Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda Xamza, kaas oo horay Ra’iisul wasaare kuxigeen uga soo noqday Dowladdii KMG aheyd, inkastoo ay wax isbadali karaan.

Shirka Golaha wasiirrada ee hada bilaabanaya ayaa sidoo kale la filaya in looga hadlo arrimo la xiriirka hubkii sharci-darada ahaa ee lagu boobay Caabudwaaq iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed horay uga balan qaaday in kursigaas uu siinayo, waxaana socda balanqaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo.

Madaxweynaha ayaa xiligaas reer K/Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda uu siinayo K/Galbeed.



Source link