Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Fartaag iyo ugaaska beesha Sade

Posted on

Caabudwaaq (Wararka Maanta) – Wasiirka amniga gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray degmada Caabudwaaq ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka amniga gudaha ayaa ugaaska iyo odayaasha waxgaradka u sheegay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isaga oo ka shaafiyey hanjaabaddii kasoo baxday dowladda federaalka, sida ay ogaatay Wararka Maanta.

Fartaag ayaa u caddeeyay Ugaaska in aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada, taas oo ka dhigan in xal wada-hadal dib loogu soo celiyo hubkii Isniintii lagu dhacay halkaasi.

Kulankaan waxaa wasiir Fartaag ku wehlinayey xildhibaanno ka tirsan labada gole ee BFS, agaasimayaal, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

Dowladda federaalka ayaa dib uga joogsatay go’aankii ay horey uga qaadatay dhacdadan, kaasi oo ahaa in awood dib loogu soo celiyo hubkii la boobay, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid sharci darro ah oo ay iyadu gacanta ku dhigtay, balse jidka u galeen maleeshiyaad hubeysan.

Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, mana sheegin dowladda federaalka cidda ay kusoo qabatay maadaama ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabteen ciidankeedu.

Si kastaba, Hubka gacan u galay shacabka ayaa imanaya, ayada oo Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ay ka taagan yihiin colaado qabaa’il, xitaa beesha degta Caabudwaaq ay mararka qaar jifo-jifo u diriraan.



Source link