Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa wasaaradaha amniga gudaha, gaashaandhigga iyo caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howl-galladii ugu danbeeyey ee dagaalka Al-Shabaab ee ay ciidanka qaranka ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa sidoo kale waxaa lala wadaagay warbixinta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar, taasi oo galaafatay nolosha askar iyo maxaabiis ku jiray xabsiga, kadib markii uu dagaal toos ah dhex-maray xubno Shabaab ah oo dil ku xukumnaa iyo ilaalada xabsiga.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamsza Cabdi Barre ayaa waxa kale oo lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xiriira arrimaha Xajka, isku-xirka dowladaha hoose iyo la-tacaalidda dhaawacyada iyo cudurrada faafa ee ay kamid yihiin shuban biyoodka, gawracatada iyo jadeecada.

Kulanka toddoobaadkan ee golaha wasiirada ayaa imanaya, ayada oo taagan tahay xiisadda hubkii lagu boobay duleedka Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka u dirtay soo celintiisa wafdi culus oo uu horkacayo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Fartaag.

Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, iyada oo xilligaan u mareysa qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq, taas oo hoos u dhigeysa xiisadda ka dhalatay hanjabaaddii kasoo baxday dowladda.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xun tahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xad-gudubka ah,” ayaa horay lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.



Source link