Guddoomiyaha Kaaraan oo soo saaray hanjabaad ku socota ciidamada milatariga

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, Faarax Cadaani Maxamed oo ka warbixiyay howlgal ka dhacay degmadaas ayaa sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka Kaaraan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaiya.

Faarax Cadaani ayaa hanjabaad culus u diray ciidamada milatariga, wuxuuna sheegay in hadda kadib ay la dagaalami doonaan, haddii ay ku xad-gudbaan amniga iyo shacabka.

“Askari milatari ah oo qoray wato ma ogolin waan la dagaalameynaa gacan bir ah ayaan ku qaaneynaa, haddii uu diidana isla degmada ayaa lagu maxkamadeynayaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in askartu ay degmada ku imaan karaan si nabad-galyo ah, balse la rabo inay iska soo dhigaan hubka, oo uu xusay inuu dhibaato ku yahay amniga.

“Haddii ay imaanaayaan degmada Kaaraan cid u diideyso ma jirto dharka iyo hubka ha’iska soo dhigaan waa amni, guryahooda haddii ay ku yaallaan ha yimaadaan” ayuu ku daray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray taliska ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna ka dalbaday inay la xisaabtamaan ciidamadaas, si looga qabto reer Kaaraan.

“Mararka qaar waxaa degmada soo gala ciidan sheeganaayo Xoogga dalka oo oo dhib ka gaysto Kaaraan taliyeyaasha waxaan ka codsaneynaa ciidankaas inay u diraan difaaca, ayna la xisaabtamaan” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan.

Waxaa kale oo hadalkiisa kusii daray  “Ciidanka Xoogga dalka waxaa loogu talagalay difaaca, waxaa loogu talagalay inay Shabaabka la dagaalaan taliyeyaashooda hala xisaabtamaano ciidankaas dhib badan ayaan ku qabnaa”.

Kaaraan oo ku taalla cirifka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaca isku dhacyo ciidamada dhexdooda ah iyo dhac ay mararka qaar gudaha degmadaasi ka gaystaan askar ku labisan dareeska ciidamada milatariga Soomaaliya.



Source link