Caabudwaaq (Wararka Maanta) – Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag ugu jawaabay dowladda federaalka kadib go’aankeeda ku aadan hubkii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Ugaaska ayaa ugu horreyntii nasiib darro ku tilmaamay in dowladdy ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka aysan waxba kasoo qaadin qatar uu sheegay inay baajiyeen shacabka hubkaas gacanta ku dhigay, taasi beddalkeeda loogu beddalay xasuuq bahalnimo ah oo loo gaystay, sida uu hadalka u dhiga.
Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu halis ku ahaa deegaanka, isla markaana uu u gacan geli lahaa kooxo qatar ku ah amniga, balse laga hortegay, kadib markii ay ka war heleen shacabka degmada Caabudwaaq.
“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud, 16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas ay ku guul dareysteen n in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taas beddelkeeda ugu jawaabeen sida uu sheegay dagaal galaaftay 12 qof, laguna dhaawacay 50 kale.
Ugaaska waxaa kale oo uu ka hadlay qorshaha hadda socda ee lagu doonayo in lagu soo celiy hubkaasi, wuxuuna ku dooday in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, aysanna jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis.
Gabagabadii wuxuu ka dalbaday dowladda dhexe ina si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay deegaanka Shiilmadow ee hoostaga degmada Caabudwaaq, maadaama halkaas ay dhibaato ka dhacday.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka.