Safar uu duqa Minneapolis ku tegi lahaa Muqdisho oo olole qabyaalad lagu baajiyey

Posted on

Minneapolis (Wararka Maanta) – Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo madaxa booliksa magaalada Brian O’Hara ayaa baajiyey safar qorshuhu ahaa in ay Muqdisho ku tegaan bishii Febraayo ee la soo dhaafay, waxaa sidaas lagu ogaaday xog soo shaac baxday shalay. 

Hogaamiyayaasha magaalada Minneapolis ayaa rajaynayey in socdaalka Muqdisho uu wanaajin doono badqabka bulshada iyo in la dhiso isku xirka bulshada Soomaalida.

Warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa heshay dokumentiyo muujinaya qorshaha Frey iyo O’Hara ay toddobaad booqasho ah ku joogi lahaayeen Muqdisho.

Frey ayaa hogaamiya magaalada ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka. Axadii, waxa uu ka qeyb-galay in Minneapolis ay u dabaaldegto 10 sano oo ay walaalo yihiin (sister city) magaalada Boosaaso.

Emaillo ay heshay warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa muujinaya madaxa shaqaalaha xafiiska Frey oo ku tilmaamay safarka Soomaaliya “safar caalami ah oo [Frey] uu ka tashanayey muddo shan sano ah.”

Si kastaba, Qaar ka mid ah Soomaalida Minneapolis ayaa ka soo horjeestay safarka, iyadoo nin ka mid ah uu u qoray golaha deegaanka Minneapolis in lacagta canshuur bixiyayaasha si taas wanaagsan looga faa’ideysan karo.

Safarka ayaa sababay kala kala qeybsanaan soo kala dhexgashay bulshada Soomaaliyeed, ayada dadka kasoo jeedaa beesha Daarood ee degan magaalada, ay ka soo horjeesteen, islamarkaana ay sameeyeen olole ka dhan ah, sida ay xog ku heshay Wararka Maanta

Dadkaas ayaa diidanaa in booqashada Frey iyo O’Hara ee Muqdisho ay sare u qaadi karto sumcadda caasimadda Soomaaliya, taasi oo ah wax la-yaab leh.

Dadkan ayaa sidoo kale 10 sano ka hor ka horyimid qorshe lagu walaaleyn lahaa Muqdisho iyo Minneapolis, taa beddelkeedna u ololeeyey Minneapolis iyo Boosaaso, kuna guuleystay, maadaama ay Minneapolis tiro ahaan iyo saameyn ahaa uga badan yihiin Soomaalida kale.

Waxay sidoo kale, hadda mar kale hor-istaageen qorshe sare u qaadi lahaa magaca caasimadda Soomaaliya.

Safarka ayaa waxaa la baajiyey kahor saddex maalin inta aanu dhicin, xilli qarash badan oo sugidda amniga Muqdisho ah lagu bixiyey. Xafiiska Frey ayaa sheegay in loo baajiyey cabsi amni darteed, kadib cadaadis iyo cabsi gelin ka timid Soomaalida.  



Source link