Ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika xog culus ka keenay colaadaha Itoobiya

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay xaaladda rasmiga ah ee ka jirta gudaha dalka Itoobiya oo dhexda uga jira qalalaase iyo colaado sokeeye.

Ergayga oo toddobaadkii hore safar ku tegay dalka Itoobiya ayaa VOA uga waramay xaaladda Itoobiya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hadda xal u helidda colaadaha sokeeye ee gudaha dalkaas rajo badan laga qabo inay guuleystaan.

Waxa uu xusay in dadkii ka barakacay gudaha dalka ay billaabeen in ay dib ugu laabteen guryahoodii, xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqul insaanka ee gobolka Tigray-na ay si weyn hoos ugu dhaceen.

Maraykanka ayaa dhiirigeliyay ‘horumarka sii kordhaya’ ee laga gaarayo dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta ee Itoobiya, labo sano kadib, xabbad joojintii ka hirgashay gobolka waqooyi ee Tigray.

Bishii November sannadkii 2022-kii, dawladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ayaa gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo loo yaqaan Pretoria Agreement ama Joojinta Colaadda, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday, kaas oo burburiyey inta badan waqooyiga Itoobiya.

Mike Hammer, ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika wuxuu qiray in ay sii socdaan colaadaha ka taagan gobollada Axmaarada iyo Oromiya, isaga oo sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu taageero dadaal kasta oo lagu nabadeynayo deegaanadaas, iyadoo loo marayo wadahadal.

Hammer ayaa toddobaadkii hore u safray Itoobiya si uu uga qayb galo shirkii labaad ee Midowga Afrika oo dib u eegis ku sameynaya dhaqangelinta heshiiskii Pretoria ayaa dalkaas kala soo noqday fekrad ka duwan tii uu ka heystay Itoobiya, sida u uku sheegay wareysigaan.

Sidoo kale wareysigaan qeybihiisa dambe wuxuu kaga hadlay xaaladda Suudaan oo dagaalo sokeeye ay ka qarxeen dowladiina burburtay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in Suudaan nabad lagu soo dabaali karo.

Hoos ka dhageyso wareysiga




Source link