Qoor-Qoor oo Mareykanka u gudbiyay warbixinta hubkii la dhacay ee gacanta u galay shacabka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo maanta si deg deg ah ugu soo duulay Muqdisho, ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoor-Qoor oo markii uu Muqdisho kasoo degay toos u galay xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa la kulmay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahaana ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Xogaha kasoo baxaya kulanka Qoor-Qoor iyo sarkaalka Mareykanka ayaa sheegaya in looga hadlay hubkii faraha badnaa ee Isniintii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabatay, ayna sii dhaceen shacabka deegaankaasi.

Qoor-Qoor ayaa Mareykanka la wadaagay warbixinta hubkaasi oo walaac xooggan abuuray, xilli dhawaan ay Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado xayiraadda hubka oo sanado badan saarneyd.

Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sidoo kale tibaaxaya in Qoor-Qoor uu dowladda Mareykanka u gudbiyay shaqsiyaadka la tuhunsan yahay inay hubka ka keeneen Itoobiya iyo halka uu ku socday intaba.

Tan iyo markii ay Isniintii soo baxday in hubkaan culus uu u gacan galay dad shacab ah ayaa waxaa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug kasoo yeerayey hadallo is-khilaafsan, oo halis gelin kara in dib usoo laabato xayiraadda hubka ee Soomaaliya, taas oo la qaaday daba-qaayaddii sanadkii hore ee 2023.

Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, ayada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu u socday qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada Galmudug.



Source link