Maamulka Caabudwaaq oo war culus kasoo saaray hubkii la bililiqeystay, lana saftay…

Posted on

Caabudwaaq (Wararka Maanta) – Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay hubkii maalin kahor lagu bililiqeystay gudaha degmadaasi, kaas oo ka yimid dhinaca dalka Itooiya

Agaasimaha amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Caabudwaaq Nasteex Cabdi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa garab istaag u muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi, wuxuuna sheegay in dowladdu aanay ku dhiiran karin inay xoog kusoo weerarto.

Nasteex ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay inay la timaado qorshe kale oo hubkaasi lagu maareyn karo, maadaama markii horeba sharci darro lagu keenay.

“Maamulka degmo oo awood leh maleeshiyaad qabiil inta weeraraan ay hub ka qaadaan in aysan jirin ayaan aaminsanahay xitta dowladda dhexe ee Soomaaliya kuma dhiiran karto shacab meel dagan intay weerarto oo ay gumaado” ayuu wareysiga ku yiri Nasteex Cabdi.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay in la raadiyo farsamo aan gacan ka hadal hayn oo hubkaas lagu soo celin karo, ayada oo la adeegsanayo xeelad.

“Arirntan waxay u baahan tahay farsamo ee ma ahan wax u baahan awood iyo in lagu xeel dheeraado” ayuu mar kale yiri Agaasimaha amniga iyo siyaasadda degmada Caabudwaaq.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in cidda u baahan in tallaabo laga qaado ay tahay tan hubka soo gelisay gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in markii horeba aan laga dalban Caabudwaaq.

“Caabudwaaq lagama lahayn, mana dalban waa dareemi kartaa sharci darro ayuu ku socday, waxaana loo baahan yahay in sharciga la horgeeyo ciida soo gelisay” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dareyso xiisadda ka dhalatay hubka lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana dowladda dhexe oo ciidamo dheeraad ah u dirtay halkaas ay sheegtay inay ka go’an tahay in hubkaasi laga soo celiyo shacabka.



Source link