Hub laga keenay Itoobiya oo lagu bililiqeystay Caabudwaaq

Posted on

Caabudwaaq (Wararka Maanta) – Shacabka iyo maleeshiyaadka hubeysan ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa galabta bililiqeystay hubkii ugu badnaa oo dhanka Itoobiya laga soo geliyey deegaanada Galmudug, kadib markii ay jidka u istaageen gaadiidkii waday.

Sida ay Wararka Maanta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ugu yaraan 3 gaari oo nooca xamuulka qaada ah ayaa lagu waday hubkaas, waxaana laga keenay gudaha dalka Itoobiya.

Si rasmi ah looma oga cidda iska leh hubkaas, balse xogaha hoose ee Wararka Maanta ay heleyso waxay sheegayaan in siyaasiyiin reer Galmudug ay soo iibsadeen, isla markaana ay doonayeen inay geystaan Dhuusamareeb oo doorashada soo socota ee Galmudug ay ku boobaan.

Ragga hubkaas iska leh oo dhowr group ah, waxaa la sheegay inay u badan yihiin kooxdii Nabad iyo Nolol, waxaana hubkaan gudaha Itoobiya ka soo iibiyey Kulane Jiis oo ka mid ah xildhibaanadii kuraasta soo boobay, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah.

Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ee qeybta Galmudug ayaa hubkaas u diray ciidan ka soo gudbiya deegaanada u dhaxeeya Dhuusamareeb ilaa xaduuda Itoobiya, balse maleeshiyaad aad u hubeysan ayaa u galay duleedka Caabudwaaq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday ciidankii hubka gelbinayey ee NISA.

Askar badan ayaa laga dilay ciidanka NISA ee gelbinayey gaadiidkii hubka siday, waxaana maleeshiyaadkii u suurtagashay inay la wareegaan gaadiidkii hubka ka keenay dhanka Itoobiya, intaas kadibna waxaa bilaabatay bililiqo culus.

Hubkii uu siday gaadiidkaas ee ciidanka NISA ay gelbinayeen oo u badnaa AK47, BKM, Dhashiike iyo Bistoolado ayaa gacanta u galay maleeshiyaadka, kuwaas oo muuqaalo iska soo duubay iyagoo hubka kala boobaya, isla markaana ula firxanaya dhanka magaalada.

Xogaha ay Wararka Maanta heleyso waxay intaas ku darayaan in dowladda federaalka aysan waxaba kala socon hubkaas laga soo daabulay gudaha dalka Itoobiya ee galabta lagu bililiqeystay duleedka Caabudwaaq.

Taliyaha NISA ee Galmudug ayaa caawa loo heystaa sababta uu ciidan soo gudbiya ugu diray hubkaas, si gudaha dalka loo soo geliyo, isagoo aan la wadaagin Taliska guud ee hey’adda NISA, Taliyaha oo lagu magacaabo Feysal Caanood wuxuu ka soo jeedaa isla Caabudwaaq.

Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa caawa kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta.

Dhinaca kale, Dhuusamareeb oo ay joogaan siyaasiyiintii loo waday hubkaas ayuu caawa ka taagan yahay guux badan oo siyaasadeed, wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor iyo musharax Liibaan Shuluq ay wax ka ogyihiin hubkaas laga keenay Itoobiya ee loo soo waday Dhuusamareeb, balse lagu dhacay Caabudwaaq.

Ma jiro hal siyaasi oo ku dhiira kara in milkiyadda hubkaas uu sheegto, waxayna caawa xaaladu ku cakiran tahay ragii lahaa hubkaas oo ku cayrtoobay, halka sarkaalkii ugu sareeyey NISA ee wax ka ogaa ay DF u heysato sababta uu u qariyey xogta hubkaas ee hadana uu ciidan soo gelbiya ugu diray.



Source link