Wasiirka maaliyadda oo lugaha la galay faddeexad horleh kadib mashruuc uu…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa lugaha la galay faddeexad horleh kadib markii ay soo baxday inuu siyaasadeeyay mashruuc muhiim u ah caasimadda.

Mashruucan oo ah mid wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada Muqdisho si xal loogu helo saamaynta roobabka ku keenaan caasimadda ayuu maanta sheegay inay xukuumadda bilowday iyada oo ka duuleysa in shacabka Muqdisho dib loogu celiyo canshuurtooda.

Mashruucan ayaa waxaa soo baxday in aysan wax dhaqaale ah uga baxeyn dowladda, oo uu yahay mashruuc deeq ah, waxaana lacagtiisa bixinayo Bangiga Adduunka, sida uu shaaciyay agaasimaha guud ee waaxda qorsheynta gobolka Banaadir.

Agaasime Cabdiqaadir Dalxa ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay mid lagu marin-habaabinayo shacabka, islamarkaana aysan jirin lacag cayiman oo ay dowladda dhexe bixinayso oo ku aadan mashruucan, uuna yahay deeq Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda oo tan iyo markii uu ku dhowaaqay in lasoo rogay canshuur cusub oo iibka, taas oo dhan 5%, lagana jaranayo lacagaha qofku ka diro Evc, eDahab iyo Wallet-yada ayaa la kulmayey dhalleeceyn xooggan, wuxuuna hadda lugaha la galay faddeexad horleh, maadaama uu siyaasadeeyay mashruuc deeq ah oo uuna ka been abuuray.

Hoos ka aqriso qoraalka agaasimaha ku beeniyay sheegashada wasiirka maaliyadda

Ma jecleyn in aan ka falceliyo warka Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda dhexe ee Fadaraalka balse Waxaa lagama maarmaan ah in aan ilaalino dhagaha dadkeena dagan Banaadir oo aan la marin habaabin.

Wasiirka mashruuca uu sheegay ee biyo mareenada wax looga qabanayo waa DEEQ lacageed ee uu bixinayo Bank ga Adduunka (Somali Urban Resilience Project-SURP-PH2 under World Bank) qaabka mashaariicda ah ee lagu taageero Soomaaliya ee ma jirto lacag cayiman oo ay Dawladda dhexe bixinayso oo ka muuqato Miisaaniyadda 2024 balse waxa ay ugu jirtaa Miisaaniyadda Dawladda dhexe DEEQ bank ga Aduunka ah.

Doodda dadka Muqdisho ay qabaan ayaa ah in lacagaha Canshuuraha faraha badan oo ay Dawladda dhexe ka aruuriso barriga magaalo madaxda (Inland tax- Ganacsiga, Guryaha iyo Gaadiidka) ay ka bixiso qoondo lacageed oo lagu celsho dadka Muqdisho waxna looga qabto Dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka.

Marka Waxaan codsanaynaa in uu Wasiirka noo sheego qoondada miisaaniyadeed ee Canshuurta bariga oo ay Dawladda dhexe Ku celinayso Muqdisho maadama iyada laga aruuriyay oo aysan jirin magaalo kale oo Soomaaliya ah oo ay Dawladda dhexe Canshuur ka aruuriso.



Source link