Qarixii xalay ee maqaayadda Top Coffee oo muujiyay hal arrin oo halis ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Falcelin xoogleh ayaa ka dhalaTay weerarkii xooganaa ismiidaaminta ahaa ee ay xalay Al-Shabaab ka gaysteen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan maqaayadda Top Coffee oo ku taalla gudaha degmada Boondheere, kaas oo muujiyay hal arrin oo halis ah oo ka lahayd kooxda Al-Shabaab ee soo maleegtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in weerarkan uu muujinao cadaawad uu sheegay in Khawaarijta u qabto dhalinyarada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, marka loo eegto goobta ay beegsatay.

“Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka.

Sidoo kale wuxuu si adag u cambaareeyay falkan argagixiso, isaga oo tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhintay qaraxaas, kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad buuxa.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee lagu beegsaday dhallinyarada ku fiidsaneysay Makhaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho”. ayuu yiri mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan dhammaan murugada la qeybsanayaa Eheladda Dadka waxyeelada ee ka soo gaartay weerarka caawa. Inta ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacana Rabbi caafimaad deg deg ha siiyo”.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa ay ka dambeeyeen Al-Shabaab uu muujinayo sida ay cadow ugu yihiin nabadda iyo xasiloonida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Allaha u naxariisto dadkii caawa ku shahiiday qaraxii ay argagexisada AS ka gaysteen maqaaxida Top Coffee. Sawirrada halkan ka muuqda waxay muujinayaan sida argagexisada AS ay cadaw ugu yihiin nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Muqdisho. Waa in cadawga arxan la’aanta ah meel uga soo wada jeesanaa”. ayuu yiri.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada illaa 5 qof iyo dhaawaca 20 kale oo dad shacab ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay talisa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.



Source link