Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo qaaday kadib qaraxii maqaayadda Top Coffee

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabadii ugu horreysay qaaday, kadib weerarkii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taal degmada Boondheere ayaa saaka howlo nadiifin ah ka bilaabay halkaasi.

Agaasime ku xigeenka waaxda nadaafada gobolka Banaadir oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku howlan yihiin nadiifinta goobta ay mashaqadu ka dhacday oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale uu ka dhashay burbur xoogan.

“Waad aragtaan meeshaan waa meeshii ay musiibada ka dhacday xalay, illaa saaka maamulka gobolka Banaadir uma kala harin, waaxda nadaafadda iyo dhamaan gurmadka xalay oo dhan waa taagnayn, haddana waxaan rabnaa musiibadan dhancday inaan meesha ka nadiifino” ayuu yiri agaasime ku xigeenka waaxda nadaafada gobolka Banaadir.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in waddadaas la furo, isla markaana ay halkeeda kasii socoto shaqo maalmeedkii ka jiray halkaasi.

“Waxaa nadiifineynaa goobta, si ay shaqada halkeeda uga sii socoto waxaan ku jiraa hadda howshii oo gabagab noo ah” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Sida uu warka igu soo gaaray khasaaraha wuu yasiran yahay meesha sidii loo maleynaayay waxba ugama dhicin”.

Qaraxan oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxaana lala eegtay dad badan ku fiidsanayay maqaayadda la qarxiyay.

Booliska Soomaliya wuxuu warbixinta hordhaca ah ku sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa.

Waxaa sidoo kale weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.



Source link