Qarax weyn oo khasaare culus geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Qarax weyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Daljirka Dahsoon, waxaana ka soo werinayaa khasaare aad u culus.

Maqaayad lagu magacaabo Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ayuu ka dhacay qaraxaasi, xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo ciyaaro ku daawanayey.

Maqaayadda ayaa gubaneysa, waxaana qabsaday dab ka dhashay qaraxa, sidoo kale dad badan oo maqaayadda ku sugnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Daljirka ama Shabeelle iyo isgoyska Jubba.

Ilaa hadda ma jirto cid ogaatay oo faahfaahin ka bixisay nooca qaraxaas iyo khasaaraha uu geystay inta uu la egyahay, maqaayadda la qarxiyey oo ah mid cusub ayaa ku dhow maqaayadii lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka badbaaday qaraxaas oo Wararka Maanta la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen dadka dhulka yaalla oo qaraxu saameeyey, balse aysan kala cadey karin inay dhinteen, inay dhaawac ahaayeen iyo inta ay tiradoodu dhameed toona.

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa socda, isla markaana lagu deminayo dabkii weyn oo ka dhashay qaraxa, kaas oo maqaayadda qabsaday.

Xaaladda aagga uu qaraxaasi ka dhacay ayaa ah mid kacsan, waxayna ciidamadu inta gees ah u ridayaan rasaas teel teel ah, qaraxaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo 24 saac ka hor uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ka dhacay weerar toos ah.

Wixii ka soo kordha kala soco Wararka Maanta



Source link