Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu qabtay, isagoo u baxsanaya…

Posted on

Ceeldheer (Wararka Maanta) – Ciidamada dib u xoreeynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaano hoos taga degmada Ceeldheer.

Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cumar ayaa mudo dhowr sano ah ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna uga biiray gobolka Bakool.

Maxamed Khaliif oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Deeganka ee soo qabtay dhagarqabahaan ayaa sheegay inay heleen xogta ninkaan oo baxsad ah.

Howlgalka lagu soo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deeganada Qorya-wayn iyo Hul-caduur oo hoos tago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ninkaan ayaa sheegay in 10 sano uu ka tirsanaa argagixisada, balse hadda uu jiray khilaaf ku kalifay inuu kasoo baxsado, balse qorshihiisu ma aheyn inuu dowladda u gacan galo.

Wuxuu sheegay inuu qorsheynayey inuu u baxsado dhanka gobolka Bakool oo markii hore uu uga soo biiray Khawaarijta, reerkiisana uu degan yahay.

Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab uu khilaaf culus ka dhexqarxay, isla markaana dagaalyanada kooxda ay u adkeysa la’yihiin nolosha adag ee ku heysata duurka.

Ciidamada Macawiisleyda degmada Ceeldheere ayaa ku jira howlgallo joogto ah waxayna deegaano fog fog ku ugaarsadaan kooxda, sidoo kale waxay howlgaladaan uga hortegaayaan in kooxdu ay weerar dambe ku soo qaado degmada.



Source link