War cusub oo kasoo kordhay xaaladda Imran Khan

Posted on

Islamabad (Caasimda Online) – Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Sabtidii laashay dacwado hore iyo xakun 7 sano ah oo horay loogu xakumay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, balse saraakiisha ayaa markiiba is hortaagay in Khan xabsiga laga sii daayo.

Baab’inta danbiga uu u xirnaa Khan ayaa la xiriiray sharci ahaanshaha guur uu ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan uu sannadki 2018-ki guursaday xaaskiisa saddexaad Bushra Bibi, kaas oo marki hore ay dacwad oogayaasha ku sheegeen inuu ahaa mid aanan loo marin sharciga.

Kiiskan ayaa u muuqay caqabadi ugu danbeysay ee sii deynta Imran Khan, kaddib ku dhawaad muddo sannad ah oo uu xabsiga ku jiro. Taageerayaashisa ayaa hor dhoobnaa bannaanbka xabsiga lagu hayo ee magaalada Rawalpindi si ay u salaamaan.

Laakin afhayeen u hadlay xisbigiisa ayaa sheegay, in waxyar kaddib marki uu soo baxay go’aanka maxkamadda, dib loo xiray Khan. Wuxuu kaloo xisbigu sheegay in xaaskiisa, Bushra Bibi iyadana mar kale la xiray. Waxana lagu eedeeyay labadoodaba arrimo la xiriira musuq maasuq.

Xakumadda hadda jirta ee Pakistan ayaa horay Imran Khan ugu soo oogtay in ka badan 150 kiis, oo ay ku jiraan kicin rabshado, musuq maasuq iyo danbiyo kale.

Horaantii bishaan, koox madax bannaan oo tirsan xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo Khan, iyagoo sheegay in loo xiray sabab la’aan, arrintaas oo xadgudub ku ah bay yiraahdeen shuruucda caalamiga ah.



Source link