Maxaa ka jira in Saneey Cabdulle uu xoog ku qabsaday saldhigga Gubadleey?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha maamulka degmada Gubadley oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta saldhigga Booliska ee degmadaas ayaa ka hadlay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in General Saneey Cabdulle Gaab oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka uu xoog ku qabsaday saldhigga Gubadley.

Guddoomiyaha degmada ayaa beeniyay warkaasi, wuxuuna sheegay in saldhigga aysan la wareegin wax ciidan milatari ah, isla markaana ay shaqadiisa usocoto si wanaagsan.

“Taliye Saneey ayaa saldhigga la wareegay ciidan la yimiday qoraalkii ayaa saldhigga laga tiray oo Wariye aan wax hubsan waxa jirana aan ka warqabin uu ka warbixiyay waxa la sheegaayana waa waxba kama jiraan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Gubadley.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Degmada anaa xukumo ma jiro wax ciidan ah ama dhibaataa oo ka dhacay habayaraatee malaha”.

Waxaa sidoo kale arrintan ku baxay taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo goobta tegay, waxaana uu soo qiimeeyay xaaladda, isaga oo la kulmay General Saneey, taliyaha cusub ee loo magacaabay saldhigga Gubadley, wuuna xog wareysto.

“Saldhigga waa kanaa waxaa wada jooga ciidanka Booliska iyo maamulka degmada waxa la sheegayana waa waxba kama jiraan, waxaana la jooga taliyihii qaybta gobolka Banaadir iyo taliyihii cusbaa ee lasoo magacaabay iyo saraakiishii ammaanka” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Gubadley.

Degmadan ayaa kamid ahayd saddexdii degmo ee dhowaan uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo 20 degmo ka dhigay gobolka Banaadir.

Si kastaba, Saneey Cabdulle ayaa ciidamadiisa muddo dheer waxa ay gacanta ku hayeen amniga degmada Gubadley, welina waxa ay joogaan qaybo kamid ah degmadaasi.



Source link