Taliska ciidanka Asluubta oo shaaciyay khasaaraha weerarkii xabsiga dhexe

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warbaahinta kula hadlay gudaha xabsiga ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii maanta ka dhacay halkaas.

Afhayeenka ayaa sheegay in ugu dambeyn weerarka lasoo afjaray, isla markaana uu sababay khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qalaf ayaa shaaciyay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 5 maxbuus, ayna ku dhaawacmeen 18 kale oo kamid ah maxaabiistii ku xirnaa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay howlgalka kaga dhinteen saddex askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ah ciidamada ilaalada ee xabsiga dhexe.

“Waxaa maxaabiista ka dhintay 5 maxbuus waxaa ka dhaawacmay 18, askarta waxaa ka dhintay saddex, waxaa ka dhaawacmay saddex kale intas ayuu howlgalka kusoo gabagaboobay” ayuu yiri afhayeenka.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay inay socoto baaris ku aadan weerarkan, isla markaana natiijadiisa ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed, kadib baarista.

“Wixii baaris ah iyo sababihii ay waxaan u dhaceen waxyaalahaas taliyaha ayaa baaris u diri doono, jawaabteedana waad heli doontaa” ayuu sii raaciyay.

Weerarkan ayaa waxaa laga dhex abaabulay isla xabsiga gudihiisa, waxaana fuliyay illaa 5 nin oo ka tirsan Al-Shabaab, balse horay loogu xukumay dil toogasho ah, kuwaas oo dhammaantood toogasho lagu dilay intii uu socday howlgalka ciidamada ammaanka.

Si kastaba waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.



Source link