Wararkii ugu dambeeyay weerarka xabsiga dhexe + Khasaaraha

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana weli socdo howlgal culus oo lagu soo afjarayo weerarka.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay weerar toos ah xabsiga kasoo abaabuleen xubno loo haysto Shabaabnimo oo ku xiran qaybta  Biya Mundo oo ka tirsan Xabsiga dhexe ee Xamar, isla markaana ay ku xiran yihiin xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ay soo xirtay dowladdu.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah maxaabiistabay haleen hub iyo bambaamooyin, kadibna ay u suuragashay inay la dagaalamaan ilaalaea xabsiga.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in la tooktay mid kamid ah maxaabiista oo ku dagaalamayay qoray AK4 ah, kaas oo ku xukunaa dil toogasho ah.

Sidoo lale waxaa dhaawac ah taliyaha qeybta Bando musiga ee ciidamadda baambeyda Cali Xasan Ciise iyo saddex askari oo kale oo kamid ah ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ammaanka ay hareereeyeen qaybta ay ka dagaalamayaan maxaabiista xiran ee Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi.

Horay sidaan oo kale ayaa weerar kan lamid ah oo laga soo dhex abaabulay uga dhacay xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku xiran yihiin xubno loo haysto Shabaabnimo iyo kuwa kale oo ay ku eedeysan dambiyo kala duwan.



Source link