Sayid oo indhaha soo saaray suuqii weyna ee ku gubtay dagaalkii LUUQ + Sawirro

Posted on




Luuq (Wararka Maanta) – Madaxweyne ku-xgeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa weyn ee degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Suuqan ayaa ku gubtay rabshadahii maalmahii lasoo dhaafay ka jiray degmada Luuq, kadib markii laba maleeshiyo beeleed ay isku fara saareen gudaha degmadaasi.

Waxaa madaxweyne ku-xigeenka kormeerka ku wehlinayay xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee heer dederaal iyo heer Jubbaland iyo taliyaha qeybta saddexaad ee howl-galka ATMIS.

Dhinacyada colaadda u dhaxeysay ee ku dagaalamay degmada ayaa la faray inay qaataan xabad-joojin bilaa shuruud, ayna oo dhinacyada u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday.

“Waa in laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta bulshada,” ayaa lagu yiri qodobo kasoo baxay guddiga loo igmaday xal ka gaarista colaaddan, si xal nabadeed looga gaaro dagaalka.

Sidoo kale oo lagu yiri go’aannada guddiga kasoo baxay “In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan hantida dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.”

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in guud ahaan shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, islamarkaana dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.










Source link