Xasan Sheekh oo wajahaya culeys horleh iyo xildhibaannada Koonfur Galbeed oo…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaannada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku metela maamulka Koonfur Galbeed waxay badi u codeeyeen afar cutub oo kamid ah dastuurka lagu muransan yahay ee Soomaaliya.

Codeyntooda waxaa ku xirnaa shardi, mar ay diideen sida uu Xasan Sheekh u wado dastuurka, laakiin waa lala fariistay iyaguna shardi ayey ku xireen ansixinta, kaas oo ahaa in la siiyo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad.

Meel marqaati leh ayaana la sheegay inuu madaxweynaha taas kaga ballan-qaaday, sidaas ayeyna ugu coddeeyeen afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka oo illaa maanta la aaminsan yahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh dantiisa ku saleeyay, balse uusan danta qaranka ku saleynin.

Haddaba, aaway ballantii ra’iisul wasaare ku-xigeenka?

Asbuucan waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u tegay xayn kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna u sheegeen inay dhowr billood sugayeen in la oofiyo ballantii aheyd in la sameeyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, kadibna la siiyo qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxay weydiiyeen Aadan Madoobe waxa uu madaxweynaha ka hayo, isaguna waxa uu sheegay in uusan fulinta ballantaas gacan ku haynin, kadibna xildhibaannadu waxaa la sheegay inay arrintaas ka caroodeen.

Xildhibaannadan waxay u muuqdaan in lagu gaaray halkii loo baahna oo aan hadda dan badan laga laheyn. Dastuurka Soomaaliya waxaa ku qoran inuu dalka leeyahay ra’iisul wasaare ku-xigeenno, sidaas awgeed waxaa la magacaabi karaa hal, labo illaa saddex ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu markii koowaad tallada yimid 2012, iyada oo reer Koonfur Galbeed haystaan ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad, laakiin Xasan Sheekh waa joojiyay kursigii ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad iyo kii saddexaad oo waa isagii 2012 qaatay siyaasaddii tobanka wasiir iyo hal ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Tobankii wasiir wax waa ku wadi waayey Xasan Sheekh oo shan iyo labaatankii wasiir ayuu u laabtay, laakiin ra’iisul wasaare ku-xigeenkii labaad ee reer Koonfur Galbeed haysan jireen sooma celin.

Ballanta cusub ee uu dhawaan la galay xildhibaannada Koonfur Galbeed ee lagu ansixiyay afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka weli lama fulin, waana la isku haystaa.

Waxaa la isku ogaa in bil gudaheed lagu magacaabo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad oo kasoo jeed Koonfur Galbeed, iyaguna ay madaxweyne Xasan Sheekh la ansixiyaan afarta cutub ee dastuurka ee uu madaxweynaha dantiisa gaarka ah uga dhex jeeday.

Xildhibaannada ballantoodii waa kasoo baxeen, laakiin illaa hadda ma hayaan ballantii iyaga laga qaaday. Waxaa la sheegayaa inay hadda xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed si weyn u gadoodsan yihiin, Sheekh Aadan Madoobe waa ku adag tahay inuu Xasan Sheekh kasoo qaado ra’iisul wasaare ku-xigeenkii.

Culeyska dhinaca kale ka jira ee mowduucan la xiriira waa in xildhibaannada reer Waqooyiga diidan yihiin in la sameeyo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, iyaga oo aaminsan inuu kursigooda ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad uu daciifin doono.

Laakiin dhinaca reer Koonfur Galbeed waxay ku doodayaan in markii reer Waqooyiga la siinayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad in uusan jirin aqal sare balse ay hadda haystaan guddoomiyaha aqalka sare, taas oo macnaheedu tahay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad la dhaafin karo reer Waqooyiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda ayey kusoo butaacayaan dhamaan ballamaddii uu qaaday xilligii u ololeynayey meel-marinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka. Fulintii ballamahaasina waa looga fadhiyaa, qofka madaxda ahna waxaa u sharaf badan inuu fuliyo wixii uu ballan-qaaday.



Source link