Geelle oo ficil uga jawaabay hanjabaaddii Biixi – Maxaa hadda u furan Somaliland?

Posted on

Jabuuti (Wararka Maanta) – Xiisadda u dhaxeysa dowladda Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaa mareysa meel xasaasi ah.

Labada dhinac ayaa isla socon tan iyo markii ay Somaliland aqbashay qorshe ay isla wadeen Imaaraadka iyo Itoobiya oo ka dhan ahaa Jabuuti, kaasi oo la rabo in lagu curyaamiyo dekeddaha waddanka Jabuuti.

Wixii ka dambeeyay 1-dii Janaayo ee sanadkaan markii Muuse Biixi magaalada Addis Ababa ku saxiixay heshiiska badda oo aragtidiisa la sheego inay Imaaraadka leeyihiin, balse nacfigiisa ay waddaagayaan Itoobiya iyo Imaaraadka, laguna jabinayo Jabuuti, xiriirka u dhaxeeya Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicneyn.

Dhawaan waxaa waddanka Jabuuti tegay xubno sheegta ama u ololeeya in gobolka Awdal uu ka go’o Somaliland. Dadka gobolkaasi dega qeyb kamid ah ayaa reer ahaan kasoo jeeda waddanka Jabuuti.

Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga carooday tallaabada ay xubnaha mucaaradka ah ee Somaliland ku tageen waddanka Jabuuti, kuna heleen soo dhaweyn.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligaasi farriin hanjabaad ah u diray dowladda Jabuuti, halka ay Jabuuti beenisay inay marti-gelisay xubno mucaarad ku ah Somaliland.

Wax walba ayaase hadda faraha ka baxay. Jabuuti oo malaha ka jawaabeysa hanjabaaddii Muuse Biixi ayaa casuumad u dirtay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, kaas oo siyaasad ahaan ku dhashay dagaalkii Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Firdhiye, waana farriin culus oo loo diray Somaliland. Hadda Muuse Biixi oo siyaasad ahaan kal hore gacmaha u dhiibtay dowladda Itoobiya ayaa xaalka ku adag yahay.

Waxaa la eegayaa waxa ay noqoto fal-celintiisu. Jabuuti waxaa haysta oo ka taliya Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo xukunka ku fadhiya tan iyo 1999-kii, wuxuu dalka ka suuliyay mucaaradkii, waxaana lagu eedeeya Geelle inuu dowladnimaddii Jabuuti u beddelay mid qoys.

Dadka diidan xukunkiisa 25 sano jirka ah waxay sheegayaan inuu mucaaradka Jabuuti wax goyn lahaa haddii ay heli lahaayeen meel kale oo saldhig ka dhigtaan.

Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa hadda isweydiinaya Muuse Biixi fursad iyo saldhig ma siin doona mucaaradka dibad-wareega ah ee Jabuuti oo ma ka jawaabi doona gogosha loo fidiyay Firdhiye iyo mucaaradka kasoo jeeda Awdal.

Marka la isbar-bar dhigo xagga faa’iidada, Somaliland ayaa hadda faa’iido badan ku qabta Jabuuti haddii ay tahay marin, baasabooro iyo maqaamka cilaaqaadka.

Laakiin marka laga hadlo qof walba iyo waxa laga haleyn karo, waxaa la aaminsan yahay in Somaliland laftigeedu ay Ismaaciil Cumar Geelle wax badan ka haleyn karto, maadaama Somaliland ay xad la leedahay Jabuuti.

Waxay u muuqata in xaalad cusub la galay. Itoobiya arrintaan waa ugu badisaa, waxayna heli doontaa in Somaliland ay 100% siyaasad ahaan iyo ganacsi ahaanba usoo dhacdo dhinacooda.



Source link