Itoobiya iyo Somaliland oo tallaabo kale qaaday maanta + Sawirro

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya ayaa mar kale maanta labada dhinac waxa ay qaadeen tallaabo kale oo xasaasi ah, kuna soo aaday, ayada oo kasii dareyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Somaliland ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa u dirtay dalka Itoobiya, si loogu soo tababaro, waxaana maanta ciidamadaas ay ka baxeen magaalada Hargeysa, ayaga oo kusii jeedo magaalada caasimada ah ee Addis Ababa..

Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sagootiyay ciidamadan oo Itoobiya ay  Somaliland u soo tababarayso, wuxuuna kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaasi.

Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ciidamada kula hadlay magaalada xuduuuda ku taalla ee Wajaale, halkaas oo basas looga qaaday, wuxuuna u mahadceliyay dowladda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tani ay sii xoojineyso iskaashiga labada dhinac oo uu sheegay inay wadaagaan dano badan oo isku xiran, maadaama ay daris yihiin, ayna ka wada faa’iideysanayaan fursadaha dhexdooda ah.

Waa tallaabo kale oo ay qaadeen Addis Ababa iyo Hargeysa oo maalmihii lasoo dhaafay aad isugu soo dhawaanayay, kadib markii ay wad galeen heshiiskii isgarad ee badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Arrinta heshiiska ayaa weli halkeedii ah, waxaana labada dhinac ay ku adkeysanayaan dhaqangelintiisa, halka dowladda Soomaaliya ay weli ka biyo diidan tahay heshiiskaas, waxaana dhowaan fashilmay wada-hadallo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay dalka Turkiga.

Si kastaba, lama oga sida ay wad noqon doonaan, waxaase xaalka sii xumeynaya tallaabooyinka dheeraadka ah ee ay sii qaadayaan Somaliland iyo Itoobiya.



Source link