Mareykanka oo hubkiisa ugu culus geynaya Jarmalka iyo qorshaha ka dambeeya

Posted on




Washington (Wararka Maanta) – Dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu sannadka 2026-ka billaabayo inuu Jarmalka geeyo gantaallada riddada dheer.

Warkaan ayay labada dal uga dhawaaqeen shirweynaha isbaheysiga NATO ee ka socda magaaladan Washington.

Tan ayaa waxaa loo arka tallabo weyn oo looga gol leeyahay in lagaga hortago waxa ay xulafadu ku sheegeen khatarta sii kordhaysa ee Ruushku ku hayo Yurub.

Go’aankan ayaa u diri doona Jarmalka hubka ugu awooda badan ee Maraykanka heysto, waxana ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo uu Mareykanka hub aad u culus ku rakibto Yurub tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Khubarrada ayaa ku sheegay tallaaban, digniin cad oo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Hogaamiyaasha NATO ee ku shiraya caasimadda Mareykanka ayaa dhanka kale ballan-qaaday gargaar lacago dheeraad ah oo ay ugu deeqayaan dalka Ukraine, si ay isaga difaacaan duullaanka Ruushka.

War murtiyeed ay Arbacadi soo saareen, ayay madaxda NATO ku sheegeen in ugu yaraan 40 bilyan oo yuro oo u dhiganta ($43.28 bilyan) Ukraine loogu gado agab millatari la gaarsiin doono sannadka dambe.










Source link