Kornayl David Haskell oo ka degay Kismaayo iyo kulan dhexmaray Axmed Madoobe

Posted on




Kismaayo (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha howl-gallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howl-gallada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta.

Taliyaha hawl-gallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howl-gallada ay wadaan ciidamada Jubbaland ee lagu xoreeyay deegaanada Joore gaar ahaan deegaanka Buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guulaha laga gaaray howl-galladii u danbeeyay ay muujinayaan sida dowladda Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehlinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay Soomaaliya dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, inkasta oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid duqeymahaas oo badi lagu beegsan jiray xubnaha iyo saraakiisha sar-sare ee kooxda.










Source link