Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal lagu DILAY

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo dhowr jiho ka weeraray deegaanka Kaamjaroon oo dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen xubno kale oo ka tirsan kooxda, kadib markii ay maanta dhowr jiho weerar uga qaadeen.

“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka Argagixisada waxaana kooxda la khaarijiyay ku jira horjoogayaal sar sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha horkacayey howlgalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, Jubbooyinka ayaa waxaa dhowaan ka bilowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.



Source link