Xildhibaano Aadan Madoobe ugu tegay qorshe ka dhan ah Villa Somalia

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe la kulmay ayaa u sheegay in aan ajendaha Villa Somalia lagu sii wadi karin howlaha baarlamaanka, sida ay ogaatay Wararka Maanta.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in illaa labaatameeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha ay Aadan Madoobe si cad ugu sheegen in guddoonka baarlamaanka looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka madaxtooyadda iyo xukuumadda.

Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii guddoonka uu sii wado afduubka uu ku haayo howlaha baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha uu qaadayo guddoonka.

Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka oo furmay horraantii toddobaadkan ayaa waxay Villa Somalia qorsheynaysa inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Wararka Maanta.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu jiro kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar durba muujiyeen sida ay uga soo horjeedan qorshaha Villa Somalia ay usoo xambaarineyso guddoonka baarlamaanka.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan siiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Horey waxaa buuq badan ka dhashay ansixinta cutubyada hore ee dastuurka, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, maadaama ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin.

Si kastaba, weli ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka.



Source link