Gaza (Wararka Maanta) – Ciidamada Israel ayaa aad ugu sii siqay gunta magaalada ugu weyn Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in ay la dagaallami doonaan dagaal-yahannada Xamaas oo ay sheegeen in ay halkaasi dib ugu soo laabteen.
Ciidanka Israel ayaa Isniintii ku amray dadka aaggaasi daggan in ay isaga baxaan, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay markale si dhaqso ah uga cararaan duqeymaha ciidamada Isra’il.
Israel waxay sheegtay in markale ay ciidankoodu kula dagaalamayaan aagga waqooyi ee Gaza, halkaas oo ay ah meeshi uu ka billowday duullaanka Israel billowgi dagaalka Gaza.
Saraakiisha Xamaas ayaa ka digay in weerarka cusub ee Israel ay ka billowday Gaza uu halis ku yahay wada-hadallada xasaasiga ah ee xabbad-joojinta ee ay dowldaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ka dhex wadaan Xamas iyo Israel.
Dadka deegaanka waqooyiga Gaza ayaa sheegay in duqeymihi cirka ee ay Israel shalay ka fulisay halkaasi ay ahaayeen mid kamid ah kuwii ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa tan iyo marki uu billowday dagaalka muddo hadda laga joogo 9 bil.
Dowladda Mareykanka ayaa Isnintii xaqiijisay in saraakiil sare oo Mareykan ah ay gaareen magaalada Qahira ee dalka Masar, si ay u riixaan heshiiska xabbad-joojinta ee hindisihiisu uu lahaa madaxweyne Biden.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in agaasimaha hey’adda CIA Bill Burns iyo Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Brett McGurk la filayo in ay Qahira wada-hadallo kula yeeshaan dhigooda dalalka Masar, Israel iyo Urdun.