Ciidanka Dowladda oo qabtay nin katirsanaa Al Shabaab oo…

Posted on




Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, ayaa nolosha ku qabtay xubin katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo ku dhuumaaleesanayay deegaanno hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ciidamada dowladda qabteen oo lagu magacaabo Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas) ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uu katirsanaa ku dhawaad labo sanno, waxa uuna tilmaamay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo dhowr ah.

Waxa uu sheega ninkan isaga oo arday ah in kooxda Al Shabaab si qasab ah kaga soo wadeen deegaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay, waxa uuna xusay in jaceyl uu u qabo kooxda Al Shabaab ugu biirin balse lasoo qasbay lagana dhugay askari.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee caawinaya ayaa marar badan gacanta ku dhigay dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho oo intooda badan hadda ku xiran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com





Source link