Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
Ujeedka kormeerkan ayaa lagu sheegay u kuurgalida hawlaha baaxadda leh ee wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed.
Intii uu kormeerka ku guda jiray Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan xannaanada xoolaha, ilaalinta dhirta, iyo horumarinta daaqa.
Ra’iisul wasaare ku-igeenka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo qorshaha isbeddelka qaran (NTP), kaas oo ahmiyad ballaaran siinaya isku tashiga dadka Soomaaliyeed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
“Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu xusay in qorshaha isbeddelka qaran uu diiradda saarayo maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.
Ugu dambeyntiina ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa in ay sii xoojiyaan dadaalladooda.
Tan ayaa dhabaha u xaareysa si loo xaqiijiyo himilooyinka qorshaha isbeddelka qaran, loona gaaro horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.