Masuuliyiin tagtay deegaannadii ay ku dagaallameen beelaha Sacad iyo Leelkase (Sawirro)

Posted on

Wasiirro iyo masuuliyiin ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta gaaray deegaanno dhaca galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan uu ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Dagaalka ka dhacay deegaannada kuyaalla galbeedka gobolka Mudug ayaa u dhaxeeyay labada beel ee Leelkase iyo Sacad, waxaana dagaal dhacay maalmo kahor ku dhintay dad ka badan 15-qof oo ahaa dhinacyadii dagaallamay.

Wasiiradda maanta tagay deegaannada lagu dagaallamay ayaa waxaa horkacayay wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wasiirka Amniga Galmudug, wasiiradan iyo masuuliyiin kale oo la socota ayaa loo xil saaray xal u helida colaada labada beel u dhaxeysa.

Wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa tagay kuna shiray bartanka farumaha ay isku hor fadhiyaan labada maleeshiyo beeleed, waxa ayna wadahadal kaddib soo saareen go’aanno xal KMG ah u noqonaya dagaalka labada dhinac, kuwaa oo kala ah.

1. In xabad joojintii labada dhinac la xoojiyo, lagana hortago dhiig dambe inuu daato.

2. In labada maleeshiyo beeleed laga kala durkiyo aaga dirirtu ka dhacday, iyadoo goobta la kala geynayo iyo waqtiga la kala qaadayo farsamadeeda dib loo gali doono.

3. In guddi labada dhinac ah oo ka xaajooda arrimaha la isku hayo oo dhulku kamid yahay lasoo magacaabo, labada dowlad goboleedna ay yeeshaan kor joogteyn.

4. In ciidan la kala dhex dhigo goobta lagu diriray, isla markaana xaqiijiyo qodobada sare ku xusan iyo wixii kasoo baxa guddiga la magacaabi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link