Maxay tahay taageerada Dowlada Somalia weydiisatay Imaaraadka Carabta?

Posted on




Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Mahamuud Moallim Abdulle ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta, Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii Dowladda Imaaraadka ay SoDMA uga taageeri laheed mashaariicda u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada waxyeelladii ay geeysteen fatahaadihii hore ee ElNino iyo in laga shaqeeyo mashaariicda soo kabashada xalalka waara.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qorshaha soo socda ee dhawaan Dowadda Imaaraadka ka saacideeyso hay’adda SoDMA u diyaar garowga waxyaabaha dhici kara xiliyada soo socda ee laga cabsi qabo inay roob yari dhacdo taas oo sababi doonta abaar iyo In loo diyaar garoobo lana helo kayd dhammeystiran si deg deg looga jawaabo.

Inkastoo uu hoos u dhacay xiriirka Imaaraadku la leeyahay dowlada Somalia haddana weli wuxuu taageero bani aadamnimo ka geystaa xaaladaha adag ee ka jira Somalia sida abaaraha, fatahaadaha iyo iwm.




Source link