Wasaarada Waxbarashada Somalia oo war ka soo saartay isku dhicii Booliska & ardayda

Posted on

Wasaarada Waxbarashada DF ayaa war ka soo saratay isku dhac rabshado saaka dhexmaray ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska ilaalinaya imtixaanka shahaadiga iyo qaar kamid ah ardayda galeysa imtixaanka oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Gaheyr ee ku taalla agagaarka Ex-kontrol Afgooye.

Ciidamada ammaanka ayaa albaabka Jaamacadda ka celiyay qaar ka mid ah ardayda oo ka soo daahay xilligii imtixaanka bilaaban lahaa, waxayna taasi keentay in ardayda ka caroodaan in albaabka laga celiyo.

Ardayda qaarkood ayaana bilaabay dhagaxtuur iyo in sidoo kale ay dhagxaan laamiga ku jaraan, waxa ayna ardayda sameeyeen gadood ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin in loo diido in ay galaan imtixaanka.

Qaar kamid ah ardayda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waddooyinka magaalada oo xirmay iyo biyaha roobka oo meel kasta fadhiya sabab u noqotay in ay soo daahaan.

HOOS KA AKHRISO WARKA KA SOO BAXAY WASAARADA

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxa ay markale fareysaa ardayda uu u socdo imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad in ay ilaaliyaan waqtiga loo qorsheeyay in uu billaawdo imtixaanka, islamarkaana ay Fasalkooda xaadir ku ahaadaan kahor 8:00 subaxnimo, si uusan imtixaanka u dhaafin.

Dhammaan ardaydii uu maanta dhaafay imtixaanka iyaga oo bannaanka xarunta imtixaanka joogo waxa ay wasaaraddu u aqoonsantahay in ay yihiin arday qorsheystay in aysan imtixaanka galin, waxa ayna uga digaysaa in ay markale sidaas sameeyaan.

Ciidamada Booliska waxa ay amar ku siisay wasaaradda in la xiro dhammaan albaabada xarumaha Imtixaanka lagu galayo ugu dambeyn 8:30 am, ardaygii aan class-kiisa ku jirin maaddadaas way dhaafi doontaa.

Dhammaan waalidiinta dhalay ardayda waxa aan si naxariis leh uga codsanaynaa in ay ubadkoodu ku adkeeyaan in ay xilli hore tagaan goobta imtixaanka islamarkaana  ay fasalkooda diyaar ku ahaadaan.

Source link