Dowladda oo ciidan Milatari ah geysay Kismaayo iyo Xog ku aadan Ujeedka ka dambeeya (Sawirro)

Posted on

Waxaa shalay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo gaaray diyaarado magaalada Muqdisho ka qaaday ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, kuwaa oo tababaro kala duwan gudaha dalka iyo dibadiisa kusoo qaatay.

Ciidankan cusub ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa katirsan guutada Birjeex ee xoogga dalka, waxaana ciidankan garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay ciidankan ayaa loogu tala galay in gacan ku siiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ciidanka xoogga iyo kuwa maamulka Jubbaland oo malamihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ahaa Al Shabaab ka waday Jubadda Hoose.

Ciidankan cusub ee dowladda Soomaaliya ka dejisay magaalada Kismaayo ayaa la geeyay xero ciidan oo lagu diyaarinayo, waxa ayna ciidanka la filayaa in maalmo kaddib gaaraan furumaha dagaalka ayna qeyb ka noqdaan dagaalka.

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada Danab, kuwaa oo qeyb weyn ka qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan Jubbooyinka.

Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa maalmo kahor Al Shabaab kala wareegay deegaanka Buul-Xaaji ee gobolka Jubadda Hoose, deegaankan waxaa shalay booqasho ku tagay wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link