Gabar saaxiibkeyd ku dacweysay in uu garoonka Diyaaradaha geyn waayay iyo waxii ay la kulantay !

Posted on

Haweeney ayaa maxkamad la tiigsatay saaxiibkeyda xiriirka jaceyl kala dhaxeeyay, kaddib markii uu ku guul dareestay in garoonka diyaaradaha geeyo, taa oo dhalisay in ay gabadhaasi si weyn u  carrooto

Maxkamad qaada dacwadaha yar yar oo kutaalla dalka New Zealand ayey haweeneydan geysay dacwada ka dhanka ah saaxiibkeed, waxa ayna ku eedeysay in uu uga baxay heshiis iyo ballan aheyd in uu garoonka diyaaradaha geeyo marka ay dhoofeyso.

Waxa ay sheegtay haweeneydan in saaxiibkeed ka codsatay in garoonka diyaaradaha uu geeyo sidoo kale uu sii xanaaneeyo eeyaheeda, taas oo keentay in haweeneydan dib u dhigto safarkeeda oo muhiim u ahaa.

Garsoorka maxkamadda ayaa diidday sheegashada haweeneyda ee ah in saaxiibkeedii uu diiday inuu u raaco garoonka diyaaradaha, taasoo sababtay inay ka baaqato duullimaadka, iyadoo ka qeybgeli rabtay xaflad ay saaxiibbadeed dhiganayeen.

Haweeneydan ayaana markii ay ku guul dareesatay dacwadeeda qarash dheeraad ah ku bixiday in ay safarto maalinta labaad, waxa ayna sheegtay in ay ka xun tahay falka uu kula kacay saaxiibkeed ay xiriirka lahaayeen in ka badan lix sanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link