Wasiirka Arrimaha Gudaha oo booqday Deegaan dhawaan Al Shabaab laga xureeyay (Sawirro)

Posted on




Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) iyo wafdi la socday ayaa maanta booqday deegaanka Buulo-Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al Shabaab .

Wasiir Cali Xoosh iyo masuuliyiinta kale oo la socotay oo ay ku jiraan wasiirro iyo saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka Buulo-Xaaji .

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo la hadlayay bulshada ku dhaqan deegaanka Buulo-Xaaji ayaa sheegay in dadka deegaanka ay yihiin kuwo aad u daneenaya nidaamka dowladnimada iyo in ay qeyb ka noqdaan dabar goynta cadow umadda Soomaaliyeed.

Deegaanka Buulo-Xaaji ayaa muddo sannado ah waxaa gacanta ku hayay kooxda Al Shabaab , waxaana deegaankan dhawaan Al Shabaab awood milatari uga saaray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link